Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Siilaanyo: Dowladda Somalia Nama Xukunto


Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo
Madaxweynaha Soomaaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka hadlay aqoonsiga Maraykanku uu siiyay dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay inaysan taasi khuseyn Soomaaliland, sidoo kalena aysan dowladda Soomaaliya xukumin ama wakiil ka ahayn Soomaaliland.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidoo kale sheegay in digniinta ka soo baxday Dowladda Britain ee sheegaysa in halis Amni-daro ah ay ku soo fool-leedahay Somaliland ay tahay go’aan lagu dag-dagay.

Dhinaca kale, Safiirka Britain ee Soomaaliya, Matt Baugh ayaa sheegay in dowladda Britain aysan aqoonsanayn Soomaaliland, isla-markaana uu go’aankaasi yahay mid u yaalla Soomaalida dhex-doodu inay ka wada hadlaan. Safiirka Britain ee Soomaaliya ayaa wareysi khaas ah oo uu siiyay VOA sidoo kale kaga hadlay digniinta Britain ee Soomaaliland.

Hadalka Madxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wareysiga Safiirka Britain ee Soomaaliya Matt Baugh halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:10:43 0:00
XS
SM
MD
LG