Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bartii al-Shabab ee Bogga Twitter oo la Xiray


Bartii al-Shabab ay ku lahayd bogga Twitter ayaa la xiray oo hawada ka baxay. bartan oo ahayd @HSMPress ayaa ururku uu ku soo bandhigay maydka askari Faransiis ah iyo maxaabiis Kenya u dhashay.

Bartan ayuu ururku sameeyay 2011, waxaana uu isticmaala tabinta wararka ururka, waxaana raaca oo ku taxan dhowr kun oo qof oo la socda wararka al-Shabaab.

Shirkadda Twitter iska leh ayaan la ka hadlin xiritaanka bartan, balse waxaa loo aanaynayaa inay loo xiray sawirrada la soo galiyo iyo wali hanjabaaddaha la xiriirra maxaabista u dhashay Kenya ee ururku uu toddobaadkan soo bandhigay kuwaasoo uu sheegay inuu dili doono haddii aanay dowladda Kenya sii deyn dad ku xir-xiran Kenya.

Lama oga saameynta bartani ku yeelan doonto ururka al-Shabaab, iyadoo dhinaca kale uu shaqeynayo bar kale oo Af-ka Carabiga ah oo ururku ku leeyahay Twitter.
XS
SM
MD
LG