Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Sicir Bararka Muqdisho


Bakara Market, April, 2011.
Bakara Market, April, 2011.

Barnaamijkeena Faaqidaadda ayaanu ku eegeynaa, qiimo kororka maciishadda ee magaalada Muqdisho

Tan iyo markii Magaalada Muqdisho ay ka baxeen kooxda Al-shabab bishii August sanadkii 2011kii. waxaa maalinba maalita ka dambeysa dib u dhis iyo soo kabasho laga dareemayay magaalada Muqdisho, oo la aaminsanyahay inay xudun u tahay dhibaatada ka jirta guud ahaan Somalia, oo hadii ay xaaladu hagaagtana –laga yaabo in guud ahaan dalka intiisa kale uu isna hagaago.

Dad fara bdan oo qurba joog ah ayaa dib ugu noqday Magaalada, kuwaa oo isugu jira qoysas nolosha qurbaha dhibsaday oo nolol cusub dalkooda dib uga bilaabay, dad fursado ganacsi u tagay, xaqooti ka soo guryo noqonaya xeryo qaxooti, iyo dad doonaya inay siyaasadda iyo howlaha kale ee dalka ka scoda ay qeyb ka noqdaan.

Dhaqdhaqaaqyo ka duwan kuwii 21kii sanadood ee la soo dhaafay ka socday muqdisho ayaa bilowday, jaamacado iyo xarumo warbarasho ayaa magaalada ku soo badanaya, hotello iyo makhaaxiyo casri ah ayaa laga furay.

Dhalinyaro aan waligood sharci iyo kala dambeyn soo arkin –oo ku gaaraadsaygaraadsadey waa la diley,waa la dhaawacey,waa la kufsadey,waa la afduubey,Madfac, baa ku dhacay, wiifto ayaa haleeshay, yool baa heysta iyo kalimado fara badan oo la mid ah, oo colaaadda iyo dhiilada dalka ka jirtay ka dhashay , ayaa hadda ka sheekeysanaya cayaaraha, dhismaha magaalada , dowladnimada, iyo neecaawda nabadda.

Nimca waliba nusqaan lahe - Inkastoo ay jirto yididiilo sareeysa iyo horumar muuqda Magaalada Muqdisho, hadana waxaa dhinaca kale noloshu ay ku sii adkaaneysaa dadka maxeysata ah ama ceyrta ah, sicir barar, iyo qiimaha dhac ku yimid shilling somaliga, qiimaha maciishadda qutul daruuriga ah- oo garay meel sareysa , qiimaha dhulka iyo guryaha oo gaaray meel aaney waligood gaarin, ayaa mushkilad xagga nolosha iyo dhaqaalaha ah ku haya Magaalada.

Hadaba arimaasi oo dhan ayaanu ku eegeynaa barnaamijkeena faaqidaada todobaadka – ee hoos ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:34:04 0:00
XS
SM
MD
LG