Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia iyo Kenya oo Codsaday in AMISOM Waqtiga loo Kordhiyo


Madaxweynayaasha dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa codsaday in Waqtiga loo loo Kordhiyo Amisom, si ey gacan uga geystaan soo celinta nabadda

Dowladdaha Somalia iyo Kenya ayaa ka codsaday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in waqtiga uu u kordhiyo howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee Somalia, iyadoo sidoo kale codsaday in awoodo dheeri ah la siiyo Amisom, si ey dowladda Somalia uga caawiso soo celinta iyo hergelinta nabdda iyo dowladnimada.

Codsigan ayaa lagu sheegay war murtiyeed ay si wada jir ah jimcihii shalay uga soo saareen Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamud iyo Dhigiisa Kenya Moi Kibaki, magaalada Nairobi.

Madaxweyne Xassan Sheekh Ayaa booqasho laba maalmood ah ku jooga dalka Kenya.

Labada madaxweyne ayaa waxey sheegeen in AMISOM ay horey gacan uga geysatay dagaalka Dowladda Somalia ay kula jirto kooxda Al-shabab iyo dadaalka soo celinta nabadda, isla markaana ay muhim tahay, in ciidamadu ay sii joogaan Somalia.

Bishii November, golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mudada ugu kordhiyay Amisom , afar bilood, taasoo ka dhigan in ciidamadu uu waqtiga sharciga ah ee ay Somalia ku joogaan uu ka dhamaanayo bisha March todobadeeda sanadka soo socda.

Waxaana jiray baaqyo soo baxayay oo ku aadan, ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ay sii joogaan Somalia sanad kale.
XS
SM
MD
LG