Sarkaal ka tirsan Ururka ONLF ayaa sheegay inay aqbaleen dastuurka Itoobiya oo sabab u ahaa inay burburaan wadahadallada u dhexeeyey Ururka iyo Dawladda Itoobiya bishii Oktoobar ee aynu soo dhaafnay.
Cabdninuur Cabdullaahi Faarax oo ah Kaaliyaha Xoghyaha Arrimaha Dibedda ONLF xubinna ka ah Guddiga Fulinta ayaa sheegay inuu ku sii jeedo magaalada Addis Ababa si uu wadahadallada usii wado.
Dhinaca kalena, Cabdilqaadir Xasan Hirmooge oo ah Af-hayeenka Ururka, kana tirsan Golaha Dhexe ayaa beeniyey in wax wadahadal ah ay u socdaan ONLF iyo Itoobiya, waxaana uu sheegay Cabdinuur Cabdullaahi Faarax inuusan xubin sare ka aheyn wadahadalladii hore ee lala galay Itoobiya oo aanan loo xilsaarin arrintaasi.
Halka hoose ka dhageyso wareysiyada labada mas'uul.