Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar: Aftidii Dastuurka oo u eg in la Ansixiyey


Boqolkiiba 56 ayaa taageertay wareeggii koowaad ee aftidii loo qaaday dastuurka Masar, halka 43 boqolkiibana ay u codeysay "Maya."

Kooxaha Xuquuqda Aadamaha ee Masar ayaa sheegay in wareegga koowaad ee aftida dastuurka qabyo qoraalka ah si baahsan loogu xadgudbay ayna tahay in dib loogu celiyo.

hadalkaas ayaa waxa ku dhawaaqay Isbahaysi ay ku jiraaan toddobo kooxood, iyadoo kooxda Akhwaanul Mulimiinka ee tageerta Madaxweyne Maxamed Mursi ay ku andacoodeen inay ku guuleysteen doorashadii shalay oo Sabti aheyd, iyagoo sheegay in natiijooyin hordhaca oo aan rasmi ahayn ay muujinayaan in boqokiiba 56 ay dadka reer Masar ansixiyeen dastuurka qabya qoraalka ah.

Kooxaha Xuquuqda Aadamaha ayaa ku cawday in dad codkooda dhiibanayey si aan hagaagsaneyn looga celiyay goobaha codbixinta iyo in dadka qaar ay si sharci darro ah uga shaqaynayeen goobaha codbixinta sidiiyoo ay garsoorayaal yihiin. Maxamed Albaraadici oo ka mid h dadka ugu magaca weyn mucaaradka ayaa ku biiray dadka dhaleeceynaya doorashada isagoo batra Twitter-ka fariin uu soo dhigay ku sheegay in wax is-daba-marintuna ay ahayd mid ku talagal ah oo iska cad, isu soo buxuna uu ahaa mid aad u hooseeya.

Ururka Ikhawaanul Muslimiinka ayaa dhinaciisa sheegay in isu soo buxu uu ahaa 3 meeloodow meel, marka la eego tirada dadka codeyn kartay oo ahayd 26 milyan. Wareeggan hore ee aftida ayaa lagu qabtay 10 gobol oo ka mid ah 27ka gobol ee dalka Masar uu ka kooban yahay, goboladaas oo ay ku jireen Qaahira iyo Alexandria. Wareegga labaad ayaa la qabanayaa Sabtida soo socota. Gobolada toddobaadka dambe ay aftidu ka dhici doonto ayaa waxa u badan dadka reer miyiga ah ee dhinaca diinta u badan.
XS
SM
MD
LG