Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Goolhaye Axmed: Rag ka Rooni ayaan Muujinay


Goolhaye Axmed Yare
Goolhaye Axmed Yare
Xulka qaranka ee dalka Soomaaliya ayaa maanta 5-1 waxaa uga badiyey xulka qaranka ee dalka Burundi kadib markii ay ciyaareen ciyaar ka tirsan tartanka bariga iyo bartamaha Afrika oo galabta ka dhacday garoonka kubbada cagta Mandella ee magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Ciyaartan laga baddiyay xulka Soomaaliya ayaa ah ciyaartii u horreysay ee ay tartanka ciyaarahan, waxaana u dhiman laba kulan oo ay la yeelan doonaan xulalka Tanzania iyo Sudan oo ay kuwada jiraan Group B.

Axmed Yare Cabdalla, gool-hayaha xulka kubbada cagta ee Soomaaliya ayaa VOA-da uga warramay ciyaartaasi iyo waliba guuldarrada soo gaadhay xulkooda.

Axmed wuxuu sheegay in inkastoo laga badiyay haddana ay soo bandhigeen ciyaar fiican oo ku dhisnayd waddaninimo iyo rag ka rooni, wuxuuna rajo fiican ka muujiyay ciyaaraha kale ee ay la ciyaari doonaan Sudan iyo Tanzania.

Goolhayaha ayaa Soomaalida ugu baaqay inaan laga niyad jajib maadaama ay kubbada cagtu tahay "cad iyo madow".

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:06 0:00
XS
SM
MD
LG