Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddi Farsamo oo Kismaayo Gaaray


Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaa maanta ka dagay guddi farsamo oo u gogol xaadhaya maamul u samaynta gobollada Jubbooyinka.

Guddigan ayaa qeyb ka ah, ergooyin ka socda wadahadalladii dhawaanahan ka socday dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in guddigan ay weheliyaan saraakiil ka socota ururka IGAD oo iyaguna gaaray Kismaayo.

Haddaba imaanshahan xubnaha iyo waliba wafdigii dowladda ee dhawaan Kismaayo laga celiyay ayaan ka waraysanay, C/naasir Seeraar, afhayeenka Raaskaanbooni oo ku sugan magaalada Kismaayo.

Waraysiga oo dhan halka hoose ka dhagayso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:09:06 0:00
XS
SM
MD
LG