Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Natiijo Laga Soo Saaray Dilkii Sh. Axmed Xaaji


Natiijada hor-dhaca ah oo ku saabsan Baaritaanka Dilkii Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, ayaa la soo bandhigay, iyadoo lagu magacaabay dad dilkaasi lala xiriirinayo.

Guddi loo xilsaaray inay soo baadhaan dilkii Sheekhii caanka ahaa ee Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmana oo bishii Diisambar ee sannadkii aynu soo dhafanay ee 2011-ka lagu dilay magaalada Boosaaso ayaa dhowana daabacay natiijada horhdaca ah ee baadhitaankooda.

Guddigu waxay sheegeen in dilkaasi ay ka dambeeyeen toddoba xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabab kuwaasi oo ka amar qaadanayey Amiirka Al-Shabab Axmed Cabdi Godane.

Sidoo kale gudidgu waxay baraha internetka ku daabaceen dokumentiyo iyo cajalad ay sheegeen inay qiraal ku samaynayaan laba ka mid ah dadkii dilkaasi ku lugta lahaa.
Natiijo Hordhac ah oo Laga Soo Saaray Dilkii Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Dhinaca kale Mid ka mid ah dadka guddigu magacaabeen inuu ku lug lahaa dilkaasi waa nin lagu magacaabo Xasan Jaamac Xasan “Xasan Surato” oo ku nool dalka Maleesiya.

Dhageyso Wareysiyada Ninka gudiga ka tirsan ee magaciisa qariyay iyo Xasn Surato oo eedeynta ka jawaaba.

please wait

No media source currently available

0:00 0:15:56 0:00
XS
SM
MD
LG