Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sida looga Ciiday Geeska Afrika


Magaalooyinka iyo guud ahaan Geeska Afrika waxaa maanta looga dabaaldegay xuska maalinta Ciidul-Adxaa. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay salaaddii Ciidda ee Isbahaysiga Muqdisho ayaa ku baaqay in nabadda laga shaqeeyo.

Madaxweynaha waxaa sidoo kale salaadda ciidda kala qeybgalay RW Saacid, Afhayeenka baarlamaanka, xildhibaanno iyo madax kale oo ka tirsan dowladda iyo waliba dadweyne aad u fara badan.

Xasan Sheekh wuxuu dhalinyarada ka tirsan al-Shabaab ugu baaqay inay nabadda qaataan oo dowladdiisa ku soo biiraan.

Magaalooyinka kale ee Hargeysa, Garoowe, Beledweyne, Nairobi iyo Djibouti ayaa iyagana si weyn looga xusay Ciidda oo ay dadku ka sameeyeen dabaaldegyo.

Madaxda iyo culumada diinta ayaa dadka ugu baaqay inay is-cafiyaan nabadda iyo midnimadana laga shaqeeyo.

Kismaayo oo dhawaan laga qabsaday al-Shabaab ayaa laga dabaaldegay, inkastoo aysan dadku ku tukan goobihii fagaarahaha ahaa ee horey loogu tukan jiray. Degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo ka mid goobaha ay wali gacanta ugu jira ururka Al-Shabaab ayaa dadku ka carareen goobtii sida wadajirka loogu tukanayay salaaddii Ciida kaddib markii diyaarad dagaal ay degmadaasi soo dul-istaagtay.

Qeybta hoose ka dhageyso sida looga ciiday, Muqdisho, Hargeysa iyo Nairobi.
please wait

No media source currently available

0:00 0:50:53 0:00

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:38 0:00


please wait

No media source currently available

0:00 0:02:00 0:00
XS
SM
MD
LG