Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia iyo Masar oo Heshiis Ganacsi kala Saxeexday


Wasiirka Beeraha dalka Masar, Caadil Cabdel Mu'min iyo Danjiraha Somalia ee Masar Cabdullaahi Xasan Maxamuud ayaa maanta magaalada Qaahira heshiis ku kala saxeexday.

Heshiiskan ayaa qoraya in dalka Masar uu xoolaha nool, gaar ahaan geela iyo ariga, kasoo dhoofsado dalka Somalia. Heshiiska waxa kale oo ka mid ah in Somalia loo diro dhakhaatiir soo eega xaaladda caafimaad ee xoolaha Somalia.
Xiriirka ganacsi ee Somalia iyo Masar ayaa go'ay markii ay burburtay dawladdi dhexe ee Somalia, intaas wixii ka dambeeyeyna waxa jiray ganacsato yaryar oo xoolo keeni jiray dalka Masar.

Wareysi arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:33 0:00
XS
SM
MD
LG