Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Caalamka oo Ku Baaqday In La Taageero Somalia


Madaxda caalamka ee ka qaybgalaysa shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqaya in la garab istagao dawladda cuusb ee Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Afrikaanka oo uu ka mid ah madaxwyenaha Afrikada Koonfureed Jacob Zuma ayaa sheegay in waa cusub u baryey Soomaaliya, caalamkana fursad u bannaan tahay. Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub Catherine Ashton ayaa iyadu sheegtay inay waajib tahay in gurmad degdeg ah loo diro Soomalaiya afarta bilood ee soo socota.

Dhinaca kalena Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Hillary Clinton ayaa sheegtay in Maraykanku uu taageerayo dawladda cusub.

Sidoo kale hogamiyayaasha ayaa sheegay in doorashada madaxweeynaha cusub ee Somalia ah ay ku jiraan fursado taariikhi ah oo ah sidii Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa Nabad iyo xasilooni.

Madaxda ku sugan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in beesha caalamkuna ay wajib ku tahay inay gacan ku siiso hoggaanka cusub ee Soomaaliya, fulinta waajibaadka horyaala.
XS
SM
MD
LG