Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weriye Kale oo la Dilay iyo Tirada Dhimashada Qaraxyadii Shalay


Sawirka Makhaayadda la qarxiyay
Sawirka Makhaayadda la qarxiyay
Weriye kale oo ka howlgala idaacaddaha Muqdisho ayaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho. Xasan Yusuf Absuge oo ahaa madaxii barnaamijyada ee Raadiyow Maanta ayaa maanta dabley toogasho dil ah ugu geysteen degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho, waa weriyihii 4aad ee muddo 24 saac ah lagu dilo Muqdisho.

Dhinaca kale, wasiirka caafimaadka ayaa sheegay in tirada dadkii shalay ku dhintay qaraxyadii ka dhacay makhaayadda Village ee guriga hooyooyinka ay gaadhay 27 qof, iyadoo in kabadan 40-na ay dhaawacmeen.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa canbaareeyay weerarkaasi wuxuuna sheegay in aysan marnaba ka leexinayn hadafkooda.

Qeybta hoose ka dhageyso warbixin ay weriyaha VOA, Seynab Abuukar ka soo dirtay Muqdisho.
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:44 0:00

please wait

No media source currently available

0:00 0:08:44 0:00
XS
SM
MD
LG