Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: Kenya Ha Ilaaliso Shacabka Kismaayo


UN's Mark Bowden on Somalia
UN's Mark Bowden on Somalia
Qaramada Midoobay ayaa Kenya ku boorisay inay ilaaliso dadka rayidka ee degan agagaarka Kismaayo intay ay ku jirto howlgallada militari ee ka dhanka ah kooxda al-Shabaab.

Mark Bowden, isu-duwaha gar-gaarka bini'aadanimo QM ee Soomaaliya ayaa dhamaan dhinacyad ugu baaqay inay ogolaadaan in gar-gaarka bini'aadanimo uu gaaro dadka u baahan.

Hadalkan ayaa soo baxay kaddib markii maanta kulan uu Nairobi ku dhexmaray, Mark Bowden iyo wasiirka difaaca ee dalka Kenya, Maxamed Yuusuf Xaaji iyo taliyaha ciidamada General julius Karangi.

Bowden ayaa sheegay inay kor u kacday tirada dadka ka cararaya magaalada Kismaayo.

Wasiirka difaaca ee Kenya ayaa balan qaaday inay Kenya ilaalin doonto rayidka isla markaana ka caawin doonto adegyada bini bini'aadanimo ee ay u baaha yihiin, sidoo kalena taxadar gaar ah u yeelan doonto yareynta khasaaraha rayidka.
XS
SM
MD
LG