Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran: Hadii Syria La Weeraro Talaabo Ayaan Qaadeynaa


30일 자살 폭탄 테러가 발생한 러시아 남부 볼고그라드 시 버스 정류장에 현장 수색이 진행되고 있다.
30일 자살 폭탄 테러가 발생한 러시아 남부 볼고그라드 시 버스 정류장에 현장 수색이 진행되고 있다.
Iran ayaa sheegtay la taliyeyaal ka socda ciidamada ilaalada Kacaanka Islamiga ah ay kaalmo aan milatari aheyn siinayaan Suuriya – isla markaana ay Tehran qaadan doonto talaabo military hadii Suuriya oo ay xulufo dhowyihiin laga soo weeraro dibadda.
Warkan oo uu ku saxiixnaa taliyaha ciidamada ilaalada kacaanka Mohammad Ali Jafari oo soo baxday axadii shalay ayaa ah tii ugu horeysay oo si rasmi ah oo ay Iran ku qirto in Milatary ay ka joogaan Syria, halkaasoo dagaalo ka dhashay kacdoon dowladda ka dhan ah oo socda 18 bilood ay ku dhinteen kumanaan qof.

Warbaahinta Iran ayaa ka soo xigatay Mr. Jafari, isagoo leh in tira ka mid ah
ciidamada sirdoonka Iran ee "Quds Force" ay ku suganyihiin Gudaha Suuriya, waxa uu sheegay In talooyin kaalmo dhinaca war doonka ah ay u fidinayaan Xukumadda Suuriya, laakiin ma uusan sheegin tirada ciidamadaas Suuriya ka jooga.

Xoogagga Quds Force, waa cutub ka tirsan ilaalad Kacaanka Islamiga ah ee Iran, kaasoo loo aas aasay inuu dunida gaarsiiyo fikirada ay aaminsantahay Iran, waxaa lagu eedeeyay cutubkan inuu maleegay weeraro ka dhacay gudaha Ciraaq, tan iyo markii dalkaasi uu ka baxay gacanta kalitaliyihii Sadaam Xuseen.

Saraakiisha Mareykanka ayaa bishan sheegay in Ciraq ay fududeeyneysay hub ay Iran u direysay Suuriya, iyadoo hawadeeda u furtay dayuuradaha Iran, xukumadda Baghdad ayaa beenisay eedeyntaasi.

Jafari sidoo kale waxuu sheegay in weerar kasta oo Iran kaga yimaada dhinaca Isra’il inuu keeni karo, talaabo aargudasha ah oo ay Iran ku qaado saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Goboilka, isla markaana ay Qalqal gali doonaan maraakiibta ganacsiga ee adeegsada Gacanka Istraatiijiga ah ee Hormuz
XS
SM
MD
LG