Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan Sheek oo Xilka si Rasmi ula Wareegay


Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si buuxda ula wareegay talada kadib xafadla caleemo-saar ah oo ka dhacday Dugsigii hore ee Booliiska ee magaalada Muqdishu.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay xafladda caleemo-saarka ayaa sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay inay si buuxda u taageeraan dawladdiisa.

Xafladdan caleemo-saarka ayey ka soo qaygaleen madax caalamka ah oo ay ku jiraan Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle; Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Itoobiya Xaylemaryam Desalenge; Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Turkiga Bekir Bozdag iyo madax ka kala socotay Qadar, Suudaan iyo Uganda.

Dhinaca kalena madaxweynaha oo waraysi khaas ah siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in mudnaanta koowaad uu siinayo soo celinta amniga, garsoorka iyo adeegyada dadweynaha.

please wait

No media source currently available

0:00 0:14:57 0:00
XS
SM
MD
LG