Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibadbaxyo Maalintii Shanaad Ka Socda Dunida Muslimka


Dibadbaxyada ka dilaacay guud ahaan dunida Muslimka ayaa saakay galay maalintii shanaad, iyadoo carada dadka ay ka qaadeen filim Islamka loogu gefay oo la soo dhigay internetka ay sii kordheyso.

Laga soo bilaabo dalka Masar, Sudan, ilaa Yemen , dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa isku hareereeyay, safaaradaha Mareykanka iyo xulufadiisa iyagoo dhaleeceynaya filimkaasi iyo dadka ay u arkaan inaysan talaabo ku filan ka qaadan sidii ay u horjoogsan lahaayeen.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay dibad baxyada jimcihii shalay.

Dibad-baxyadii ugu xooganaa ee rabshadaha watay ayaa shalay ka dhacay caasimadda dalka Sudan ee Khartoum, halkaas oo dad caraysan oo isugu soo baxay jidadka ay isku dhaceen booliska, ka dib markii ay ku dhawaadeen safaaradaha Mareykanka, Britain, iyo Germany.

Goob joogayaasha ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof oo ka mid ah dibad baxayaasha lagu dilay banaanka safaaradda Mareykanka.

Ugu yaraan qof kalena waxaa lagu dilay dibad baxyo iyana ka dhacay waqooyiga Lebanon, kuwaas oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen 25 qof.

Dalka Tunisiyana mudaaharaadayaashu waxey weerareen oo ay dab qabadsiiyeen, dhismaha safaaradda Mareykanka.
XS
SM
MD
LG