Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Ku Baaqay In Doorashada Somalia Ay Noqoto Mid Xalaal ah


Doorasho
Doorasho
War ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda ee dalkan Mareykanka ayaa lagu sheegay in maalinta berita ah ee 10ka bishan ay u tahay maalin taariikhi ah ah Somalia, oo baarlamankeedana uu dooran doonto Madaxweyne.

War saxaafadeedka wasaaradda arimaha dibadda ee Mareykanka waxaa lagu sheegay in la joogo waqtigii xubnaha baarlamanka ay qaadan lahaayeen talaabo geesinimo iyo go’an ku qotoma sidii doorashadu ay u noqon laheyd mid xaq ah oo aan mad-madow ku jirin.

Dowladda Mareykanka waxey sheegtay inay waajib tahay in dhamaan murashixiinta u taagan doorashada ay aqbalaan natiijada ka soo baxda.

Waxaa Mareykanku uu rajo ka muujiyay in cidda doorashada ku guuleysataa iyo xubnaha baarlamankuba ay ka wada shaqeyn doonaan dhismaha dowlad loo dhanyahay oo ay ka go’antahay horumarinta nolosha Shacabka Somaliyeed.

Waxaa sidoo kale dowladda Mareykanka ay ku boorisay Murashixiinta ku guul dareysta doorashada inay si laab furaan ah u aqbalaan natiijada, oo ay ka fogaadaan kicinta rabshado iyo gacan ka hadal ama ay ku dhiiri geliyaan dadka inaysan taageerin hay’adaha dowladda.

Dowladda Mareykanka waxey ugu baaqday ciidamada u xilsaaran amaanka inay adkeeyaan nabadda iyo kala dambeynta oo ay fuliyaan waajibaadkooda, iyagoo xushmeynaya maamulka cusub ee la doorto, ilaalinaya xuquuqul insaanka iyo xuquuda aas aasiga ah ee xuriyadda dadka Soomaaliyeed.

Waxaa kalooy ciidamada ugu baaqday inay ka fogaadaan dhaq dhaqaaqyada siyaasadda, dhaqan dhinac la jira ama ay cidleeyaan shaqada loo igmaday.
XS
SM
MD
LG