Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Obama Oo Aqabalay Magacaabista Xisbigiisa


Madaxweynaha dalkan Mareykanka Barack Obama ayaa u sheegay ka qeybgalayaashii shirweynihii dimuquraadiga ee goor dhow ku soo gabagaboobay magaalada Charlotte, gobolka North Crolina ee dalkan Mareykanka iyo malaayiin qof oo Telefishanada kala socoday inay wajahayaan waqti ay horyaalaan kala doorasho halka ay raacayaan ay u sii cadahay.

Waxa uu ku yiri marka aad bisha Novmeber ee soo socota aad u dareereysaan goobaha codbixinta, waxaad ku kala doortaan Mareykanka laba dariiq oo kala duwan.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay ahdaaf cad cad oo ku wajahan dhaqaalaha mareykanka, isagoo ku baaqay, abuurista ilaa iyo hal milyan oo shaqooyinka warshadaha ah oo cusub marka la gaaro dhamaadka sanadka of 2016ka.
Waxa uu ku baaqay inuu laba laabayo waxyaabaha uu mareykanka u dhoofiyo dibadaha dhamaadka sanadka 2014, oo uu dhimayo saliidda uu mareykanka dibadda ka soo iibsado kala bar sanadka marka uu yahay 2020ka.

Waxa uu sidoo kale balanqaaday inuu 10ka sano ee soo socota uu yareynayo isdhinka miisaaniyadda dowladda in ka badan $4 trillion.

Hadalka madaxweyne Obama ayaa ku soo beegmaya iyadoo un sagaal todobaad ay naga xigto doorashda guud ee dalkan mareykanka ka dhaceysa lixda bisha November ee soo socota.

Waxa uu ka hadlay madaxweynaha arimaha Isra’il iyo falastiiniyiinta oo uu sheegay inuu sii wadi doono kaalamada uu mareykanka dhinaca amaanka ka siiyo Isra’il iyo sidii labada dhinac ay nabadugu wada noolaan lahaayeen.

Waxuu sidoo kale soo hadal qaaday hubka nukliyeerka Iran iyo kacdoonada dalalka carabta oo uu sheegay in aan loo dulqaadan doonin kali taliyeyaasha.

Waxaa isna xalay halkaasi ka hadlay oo aqbalay magacaabista ay xisbigiisa u magacowdeen Madaxweyne ku xigeen, Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Joe Biden.
Madaxweynaha sidoo kale waxa uu ka hadlay qorshihiisa caafimaadka ee dadka mareykanka, iyo waxbarshada oo uu sheegay inuu qorsheeynayo in 10ka ee soo socota uu soo saarayo macalimiin Seyniska iyo Xisaabta wax ku soo kordhiya dalkan Mareykanka.

Malaayiin dadka Mareykanka ah ayaa qudbadda madaxweynaha iyo gebagabada shirkaba kala socday Telefishinada.

Wariyeheena Falastiin Axmed Iman ayaa waxyaabihii ugu waaweynaa qudbadda madaxweynaha weydiisay Cabdiqafaar Cabdi wardheere oo ku xeel dheer arimaha Dhaqaalaha.
XS
SM
MD
LG