Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Prof. Jawaari oo Noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka


Sawirka codbixinta
Sawirka codbixinta
Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku guuleystay doorashada guddoomiyenimada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Doorashada oo maanta ka dhacday dugsiga sare ee Booliska ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeybalay in kabadan 236 mudane, iyadoo codadka laba mudane ay halaabeen.
Doorashada ayaa waxaa ka qeybgaley 5 musharax.

Saddex kamid ah musharrixiiinta ayaa tanaasulay wareeggii kowaad kuwaasoo codadkoodii ku biiryay Prof. Jawaari. Wareegga labaad ayaa waxaa isugu soo haray Prof Jawaari iyo Prof. Galeyr.

1-Prof. Maxamed Cusman Jawaari 119- Cod
2- Dr. Cali Khaliif Galeyr 77 -Cod
3- Cabdi Xaashi Cabdullahi 23- Cod
4- Cabdirashid Maxamed Xidig 10- Cod
5- Xassan Abshir Faarax 5 – Cod

Sida uu qabo dastuurka Somalia oo ah in musharaxa hela 275ka xubnood 139 Cod ayaa musharixiinta aysan midna helin codadkaa.

Markii lagu dhawaaqay inuu bilowday wareegga sadexaad ayaa waxaa tanasulay oo doorashada ka haray Dr. Cali Khaliif Galeyr sidaana waxaa ku noqday gudoomiyaha cusub ee baarlamanka Somalia, Professor, Maxamed Cusman Jawaari, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyihii KMG ahaa ee baarlamanka Gen: Muuse Xassan Cabdulle.

Doorashada guddoonka baarlamaanka ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee lagu qabto gudaha Soomaaliya muddo ka badan 20 sannadood.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale dooranaya laba guddoomiye kuxigeen.
Marka haddaba ay dhammaato doorashada guddoonka baarlamaanka, waxaa la filayaa in baarlamaanka cusub ee Soomaaliya u soo doorto madaxweyne cusub.

Qeybta hoose ka dhageyso guusha guddoomiyaha cusub.
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:15:43 0:00
XS
SM
MD
LG