Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: Dagaal Ayaa ku Soo Fool Leh Kismaayo


UN's Mark Bowden on Somalia
UN's Mark Bowden on Somalia
Isku duwaha gargaarka bani’aadminnimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mark Bowden ayaa sheegay inay muuqato dagaal inuu kusoo fool leeyahay magaalada dekdedda ah ee Kismaayo oo ah magaalada ugu weyn magaalooyinka ku sii haray gacanta kooxda Alshabaab ee xiriirka la leh Al Qaacida.

War qoraal ah ayuu xiriiriyaha howlaha bani,aadanimo ee QM u qaabilsan Somalia Mark Bowden ku sheegey in dagaal loo galo gacan ku heynta Kismaayo uu yahay mid soo dhow, isagoo xusey duqeyntii dhanka cirka iyo bada ee dhawaan magaaladasa loo geystey.

Ciidmaada midowga Afrika, kuwa Ethiopia iyo maleeshiyaad Soomaalia ah oo kala duwan ayaa u dagalamaya in ay gacanta ku dhigaan magaladaas, oo dhaqaale oo muhiim ah u ah maleeshiyaadka ALshabaab.

Mr. Bowden ayaa sheegey inuu ka walaacsanyahay wararka sheegaya in duqeyntii ugu danbeysey ee cirka iyo bada magaaladaas looga geystey ay dad rayid ahi dhibaato ka soo gaartey, wuxuuna Mr, Bowden ka codsadey qeybaha ku diriraaya magaalada in ay dadaal walba u galaan sidii loo yareyn lahaa saameynta ay colaaduhu ku yeelan karaan dadka rayidka ah. Duqayn magaalada ka dhacday Sabtidii ayey ku dhinteen 3 qof, afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Qof ku sugan magaalada Kismaayo oo magaciis aqariyey ayaa idaacadda VOA u sheegay inaysan muuqan wax muujinaya in dagaal dagaal kusoo wajahan yahay magaalada.
XS
SM
MD
LG