Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: Waan Ka Walaacsanahay Dib u dhaca Baarlamanka


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban-kii Moon ayaa sheegay inuu aad uga walaacsanyahay dib u dhac ka muuqda soo xulista xubnaha baarlamanka cusub ee Somalia, waxuuna sheegay in loo baahanyahay hogaamiyeyaasha siyaasadda Somalia iney sida ugu wanaagsan uga shaqeeyaan danaha ummadda Somaliyeed.

Mr. Ban ayaa ku sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa inay dhiirigelinyeen horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray kala guurka siyaasadeed ee Somalia, lakiin waxa uu sheegay in caga jugleyn iyo gacan ka hadal aan la ogolaan iney qatargelinyaan geedi socodka siyaasadda Somalia.

Waqtiga sharciga ah ee ay qaramada Midoobay u aqoonsantahay dowladda haatan waqtigu ka sii dhamaanayo ayaa ku eg 20ka bishan August.

Waxaa horey loo ansixiyay dastuur cusub, laakiin waxaa odayaasha dhaqanka weli looga fadhiyaa iney soo dhameystiraan xubnaha baarlamanka oo iyaguna soo doorta gudoomiye baarlaman iyo madaxweyne.

Mr. Ban waxa uu leeyahay howlaha dhiman waa iney ku dhacaan si madax banaan oo caga jugleyn iyo musuq maasuq aan laheyn.
XS
SM
MD
LG