Dabley hubeysan ayaa galabta magaalada Muqdisho dil ugu geystay majaajiliistaha Cabdi Jeylaani Malaaq oo lagu naaneyso Marshaale.
Marxuumka ayaa la sheegay in lagu toogtay degmada Waaberi ee Muqdisho, wuxuuna u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ku riddeen laba nin oo hubeysnaa.
Marshaale ayaa ku caanbaxay majaajilooyinka, wuxuuna ahaa fanaan si weyn looga yaqaanay Muqdisho iyo Soomaaliya.