UNGA
Nuxurka khudbaddii madaxweyne Xasan Sheekh ee QM
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud ayaa goor dhowayd khudbad ka jeediyey shirkaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uga socda magaalada New York.
Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa billaabay wax yar ka hor 7-dii fiidnimo xilliga Muqdishu, waxaana uu kaga hadlay caqabadaha haysta guud ahaan dunida sida isbeddelka cimilada, Covid-19 iyo argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay shirka 77-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay in caqabadaha dunida haysta ay isku xiran yihiin, ayna u baahan yihiin isbeddello waaweyn oo dunidu si wadajir ah ugu dhaqaaqdo iyada oo iskaashanaysa, si ay isbeddeladaasi u waaraan, waxna looga qabto isbeddelka cimilada dunida iyo caqabadaha dhaqan-dhaqaale.
Waxa uu sheegay madaxeynaha in fursadda la haystaa ay kooban tahay, waxaana uu sheegi in ficilka ay dunidu si wadajir ah ula timaado inuu tusaale u noqonayo sida xal loogu helo. Waxa uu sheegay in guuldarro aysan ahayn mid meesha ku jirta.
Madaxweynaha ayaa sheegay in cudurka Covid-19 ee dunida uu beddelay sida ay dunidu u nooshahay weligeed, waxaana uu muujiyey, ayuu yiri, sida aysan dunidu ugu diyaarsanayn qalalaase baaxaddaas leh. Waxaa kale oo qalalaasaha Covid-19 uu muujiyey, ayuu yiri, sida aysan dunidu u sinnayn marka ay noqoto ka jawaabista Covid-19.
Waxa uu sheegay in halka dunida horey u martay ay tallaalkii nafta badbaadinayey ay dadkooda horey ka siiyeen si aan sinnayna loo qaybiyey in waddamada Soomaaliya ka mid tahay ay sugeen hadba ciddii wax siisa.
Waxa uu sheegay inay Soomaaliya mahad uga hayso beesha caalamka iyo isbahaysiga caalamiga ah tallaalkii ay heshay. Waxaase uu sheegay inu rajaynayo inaysan sidaasi oo kale dhici doonin marka ay timaado wax ka qabashada qalalaasaha cuntada dunida.
Waxa uu sheegay in dunidu u baahantahay inay si wadajir ah u shaqayso ee aysan ahayn in dib loo gurto oo keli-keli loo waajaho dhibaatooyinka, loona khafiifiyo khataraha, lana maalgashado barnaamijyo u adkaysan kara isbeddelka cimilada, gaar ahana waddamada ka hooseeya saxaaraha.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay waajahayso abaar iyo macluul. Waxa uu sheegay in dawladdiisu ugu baaqday ganacsatada Soomaaliyeed iyo qurbajoogta inay la shaqeeyan dawladda si looga hortago macluuul laga yaabo inay dhacdo. Waxa uu sheegay inuu ugu baaqayo dawladaha iyo ururrada baha-wadaagta la ah Soomaaliya inay u dheg raariciyaan baaqa dawladda ee ah in gargaar lala soo gaaro.
Waxa uu sheegay madaxweynuhu in dawladda Soomaaliya ay dhistay wasaaaradda bii’ada si ay wax uga qabato xaaladda degaanka ee sii adkaanaysa oo ay sii xumeeyeen daadadka iyo abaaaha.
Waxa uu shegay in loo baahan yahay in isbeddelka cimilada si dhab ah loo qaato, waxa uu sheegay in isbeddelka cimiladu yahay wax jira, waxaana uu sheegay in Soomaaliya iyo waddan gaar ah uusan horumaraynin haddii aan si wadajir ah loo wajahin caqabadaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka haday dhibaatada ururrada argagaxisada sida Al-Shabaab iyo Daacish oo uu sheegay in dawladdiisu ay la dagaalamayso.
Waxa uu sheegay in khatarta ka imanaysa ururradaas ay sii xumaynayso xaaladda cuntada iyo barakaca. Waxa uu sheegay in argagxisadu aysan diin lahayn, aysan qiime u haynin nolosha aadanaha, ayna argagixiyaan dad aan waxba galabsan. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah loogu wada istaago.
Waxa uu madaxweynuhu ku celiyey istiraatiijiyadiisa ah inaan kooxahaas looga guulaysan karin in lagu hayo meel gaar ah, lana wiiqo, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in laga guulaysto.
Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay burburiyeen ceelashii, islamarkaana ay dileen dad rayid ah, taasina ay keentay inay dawladda Soomaaliya, iyo maamul goboleedyada oo dadka degaanka taageero ka helaya ay ka jawaabaan. Waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay billaabeen inay si iskood ah u kacaan iyaga oo taageeraya dadaalka dawladda ee ah in kooxahan laga guulaysto.
Waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in dadaalka bulshada oo lasii xoojiyo in dawladda Soomaaliya ay ka tirtiri doonto argagixisada Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in dawlada Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii waddo wadashaqaynta dhinacyada ay iskaashiga leeyihiin si loola dagaalamo argagixisada, waxaase uu sheegay inay Soomalaiya ka go’an tahay inay hawsha inteeda culus iyadu qabtaan.
Biden oo khudbad ka jeediyey shirka QM ayaa cambaareeyey hanjabaada Ruushka
NEW YORK – Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay duullaanka madaxweyne Vladimir Putin ee dalka Ukraine, iyada oo hoggaamiyaha dalka Ruushku uu kor u sii qaaday xiisadda dagaal isla markaana uu ku hanjabay inuu isticmaali doono hubka nukliyeerka.
Madaxweynaha oo hadal ka jeedinayey kulanka guud ee sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York, ayaa Biden wuxuu khudbaddiisa inta badan u adeegsaday inuu ku cambaareeyo dalka Ruushka.
“aan si cad u hadalno. Xubin joogto ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku duulaysa dal deriskooda ah, iskuna dayaysa inay dal madax banaan ka tirtiraan khariiradda caalamka” ayuu yidhi madaxweyne Biden, isaga oo hadalkiisa sii raaciyey.
“Ruushku wuxuu si xishood la’aan ah ugu xadgudbay mabaadi’da aasaasiga ah ee Axdiga Qaramada Midoobay, kaas oo si cad u mamnuucaya in wadamadu ay qaataan dhul ka mida dalalka deriskooda ah”
Xiisaddii dagaal ee ugu weynayd ayaa ka taagan dalka Ukraine, tan iyo markii uu bilaabmay duullaanka Ruushku bishii February 24-keedii, saacado uun ka hor intii aanay madaxda caalamku imanin kulanka ka socda xarunta Qaramada Midoobay, Putin oo ku sugan Moscow ayaa ku dhawaaqay abaabulka qayb ka mida ciidamada milateriga ee dalkaas, isagaa oo u yeedhay illaa 300,000 oo ah ciidamada kaydka ah, wuxuuna wacad ku maray inuu tixgelin doono dhammaan xulashooyinka horyaalla, si loo ilaaliyo waxa uu ugu yeedhay dhulka Ruushka, isaga oo kor u qaaday walaaca laga qabo inuu isticmaalo weerar dhinaca Nukliyeerka ah.
"Haddii midnimada dhuleed ee dalkeena khatar la geliyo, waxaa shaki la'aan ah inaan isticmaali doonno dhammaan hababka kala duwan ee la heli karo, si aan u ilaalino dalka Ruushka iyo dadkeenaba - tani maaha kaftan" ayuu yidhi madaxweyne Putin oo khudbad ka jeediyey telefiishanka.
Madaxweyne Biden ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay “hanjabaadda nukliyeerka ee cad ee ka dhanka ah Yurub”, isaga oo ku tilmaamay inay tahay “masuuliyad darro ka dhan ah, heshiisyadii lagu xadidayey faafista hubka nukliyeerka”, taas oo heshiisyo badan oo caalami ahi ay mamnuucayaan in la isticmaalo hubka Nukliyeerka.
VOA News ayaa qortay warbixintan
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Difaaca Maraykanka
WASHINGTON DC - Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd James Austin ayaa xarunta wasaaradda difaaca ee Maraykanka ee Pentagon, wuxuu ku soo dhoweeyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha weftigiisa ee la socday.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo lagaga hadlay kulanka dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo xoghayaha difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay, in labada masuul ay yeesheen kulan midho dhal ah.
"Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd James Austin ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo wada-xaajoodyada ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda gobolka iyo tan caalamka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada." ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya.
Qoraalka ka soo baxay xarunta madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan uu kala hadlay xoghayaha difaaca ee Maraykanka mudane Lloyd James Austin, arrimo ay ka mid yihiin, xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga, xasiloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada Maraykanka ee Soomaaliya iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada.
"Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashi caalami ah, si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya." ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
Weftiga ka socday Soomaaliya ayaa sheegay in xoghayaha difaaca ee Maraykanku inuu u muujiyey madaxweynaha, sida ay uga go'an tahay in la adkeeyo xidhiidhka iyo iskaashiga labada dawladood, taageerada ay siiyaan shacabka iyo dawladda Soomaaliya ee arrimaha bini'aadanimada, tababaridda ciidamada iyo la dagaalanka argagixisada.
Qodobada horyaalla kulanka Golaha Guud ee QM
Kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee sanadkan madaxdu isugu imaanayaan ayaa dhacaya iyadoo dunida laga hadal hayo geerida iyo aaska boqoraddii UK Queen Elizabeth iyo dagaalka ka socda dalka Ukraine.
Waxaana madaxda horyaalla waqti go’aan qaadasho.
Wariyaha VOA-da uga soo waranta xarunta QM ee New York Margaret Besheer ayaa warbixintan soo dirtay, waxaana soo jeedineysa Sahra Ciidle Nuur.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo caalamka u diray qeylo-dhaantii ugu dambeysay
Ergeyga Gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan wax ka qabasahada abaaraha oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa isku dayaya inuu indhaha caalamka kusoo jeediyo dhibaatada ka jirta Soomaaliya iyo in gargaar dheeri ah loo helo wax ka qabashada abaaraha.
"Waxaan halkan u joognaa olole aan ugu soo jeedineyno dareenkiinna dhibaatada baaxadda leh iyo heerka ay marayso masiibada bini'aadannimo ee Soomaaliya," ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u sheegeay wakaaladda wararka ee AFP.
Malaayiin qof ayaa halis ugu jira inay macaluul u dhintaan guud ahaan Geeska Afrika oo ku jira abaartii ugu darnayd muddo afartan sano ah kadib afar xilli oo roobaadkii ay di’i waayeen, kuwaas oo sababay in xoolihii iyo dalaggii ay dhammaadaan.
Intii lagu guda jiray kulamo uu la yeeshay hay'adaha Qaramada Midoobay iyo dalalka xubnaha ka ah tan iyo bilowgii toddobaadka, Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu ku celceliyay in weli "farqi weyn" uu u dhexeeyo gargaarka la ballanqaaday iyo baahida dhaqaale ee Soomaaliya ee hadda.
"Haddii aan la helin jawaab bini'aadannimo oo ku filan... macluusha ayaa dhici doonta," ayuu ka dhigay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay dhamaadkii bishii Ogosto inay heshay 67% ka mid ah 1.5 bilyan oo doolar oo ah gargaarkii loogu talagalay Soomaaliya.
Madaxa gargaarka bini'aadannimada ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa toddobaadkii hore sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay macaluul markii labaad muddo toban sano gudahood ah.
AFP