Gudoomiyaha gobolka Colorado ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo caawinta dawladda dhexe ee lagu masaafurinayo burcadda balse uu ka soo horjeesan doono qorshayaal balaaran oo lagu masaafurinayo muhaajiriinta.
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump wuxuu u xushay Andrew Ferguson inuu hogaamiyo Guddiga Ganacsiga ee Federaalka (FTC).
Mike Waltz oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, isla markaana ah xulashada madaxweynaha la-doortay Donald Trump ee la-taliyaha amniga qaranka, ayaa Arbacadii sheegay in madaxweynaha cusub uu sahminayo siyaabo TikTok ay uga sii jiri karto Mareykanka.
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa diiday inuu meesha ka saaro inuu isticmaalo jujuub ciidan ama cadaadis dhaqaale si uu u hanto kanaalka Panama iyo jaziiradda barafku dul-hogayo ee Greenland.
Congress-ka Maraykanka ayaa shalay ansixiyey in madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump uu yahay kan ku guuleystay doorashadii 2024.
Barnaamijka Amuuraha Mareykanka waxa uu ku saabsan yahay Congress-ka Mareykanka oo shalay si rasmi ah u ansixiyey guushii Donald Trump ee doorashada madaxweynaha Mareykanka.
Congress-ka Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay kulmaan Isniinta maanta si ay u sharciyeeyaan doorashadii madaxtinimada ee Donald Trump uu kaga guuleystay madaxweyne ku-xigeenka dalka Kamala Harris.
Kuwo kale