Xaaladda dadkii ka barakacay deegaanka Ceel Baraf oo laga deyriyay

Xaalad daran oo dhinca bini'aadannimada ah ayaa lasoo deristay kumannaan qoys oo ka barakacay deegaanka Ceel-baraf ee Hirshabeelle, waxaana dadkan ay guryahooda isaga cararay kadib markii Alshabaab ay weerar kula wareegtay saldhig ay ciidamada Burundi ee howlgalka ATMIS ay deegaankaas ku lahaayeen.

Maamulka Ceel-baraf ayaa dalbanaya in dadkaasi gargaar lala soo gaaro.

Wariyaheenna Xuseen Xasan Dhaqane ayaa warbixintan noo soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Xaaladda barakacayaasha Ceel Baraf