Wareysi: Maxamed Cali Nuur America

Maxamed Cali America

Maxamed Cali America, ayaa sheegay in safar uu ugu magac daray 'SAFARKA NABADDA' uu ku maray dalal badan oo caalam ka mid ah iyo gobollada Soomaaliya qaarkood.

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya, Maxamed Cali America ayaa ku sugan magaalada London ee dalka Britain, halkaasi oo uu kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed.

Maxamed Cali America, ayaa sheegay in safarkiisaan uu ugu magac daray 'SAFARKA NABADDA' oo dadka Soomaalida uu kala hadlayo in nabadda laga wada shaqeeyo.

Inta aanu tagin London, waxa uu sidoo kale soo maray magaalooyin kale oo ka mid ah kuwa Yurub, isaga oo horeyna u booqday dhowr gobol oo dalka Soomaaliya ka mid ah, oo uu kula soo kulmay maamul goboleedyada iyo bulshada gobolladaas.

Wariyaha VOA ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayuu ugu warramay xarunta VOA ee London, isaga oo faahfaahiyey socdaalkiisa. Qeybta hoose ka dhageyso wareysiga.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Maxamed Cali America