Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Norway oo Shaacisay Somali ka Qeyb Galay Weerarkii Westgate


Weerarkii Westgate waxaa ku nafwaayey 65 qof.
Weerarkii Westgate waxaa ku nafwaayey 65 qof.

Xasan Dhuxulow oo weerarkaasi ku dhintay waxaa da’diisu ay aheyd 23-sano jir, waxa uu ku dhashay dalka Soomaaliya, hase yeeshee isaga iyo qoyskiisa ayaa dalka Norway ku yimid qaxooti ahaan sanadkii 1999.

Police-ka dalka Norway ayaa sheegay in Xasan Dhuxulow oo ah Soomaali haysta dhalshada dalka Norway uu qayb ka ahaa weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday suuqa weyn ee Westgate Mall ee ku yaala Nairobi, sanadkii 2013.

Police-ku waxaa ay sheegeen in natiijadani ay ka dhalatay baaritaan ay sameeyeen oo la xiriira weerarkii Westigate Mall. Baaritaankan ayaa qaatay muddo labo sanadood ah iyadoo weerarkaasina ay ku dhinteen dad gaaraya 65 qof, tira kale oo bandanna ay ku dhaawacmeen.

Police-ka Norway oo aan la xiriiray ayaa ii xaqiijiyay in baaristaasi ay soo dhammaatay. Afhayeen u hadlay Police-ka dalkaasi oo lagu magacaabo Bernsen ayaa u sheegay wargayska Aftenposten ee dalkaasi kasoo baxa in Xasan Dhuxulow uu kamid ahaa raggii argagixisada ahaa ee weerarka gaystay, islamarkaana lasoo gunaanaday baaristaasi.

Xasan Dhuxulow oo weerarkaasi ku dhintay waxaa da’diisu ay aheyd 23-sano jir, waxa uu ku dhashay dalka Soomaaliya, hase yeeshee isaga iyo qoyskiisa ayaa dalka Norway ku yimid qaxooti ahaan sanadkii 1999.

Waxaa jirtay in police-ku ay ka shakiyeen ninkaasi laakiin ma jirin cadaymo loo hayay oo xiligaasi lagu xiri karay, ha yeeshee hadda ayay u cadaatay in uu ahaa nin argagaixiso ah kadib baaritaan lagu sameeyay maydkiisii.

Police-ka dalka Kenya ayaa sheegay in Xasan Dhuxulow uu ka gudbay xuduudka Kenya isagoo tagay Soomaaliya weerarka ka hor. Waxaa la rumaysan yahay in uu ka shaqeeyay isku-xirka unugyo argagixiso oo ka jiray Soomaaliya iyo Kenya weerarka ka hor.

XS
SM
MD
LG