Wajeer: Daacuunka oo Soo Ritay 263 Qof

Qariiradda dalka Kenya

Waxaa sii kordhaya dadka uu soo ritay cudurka daacuun caloolaha oo ku dhowaad saddex toddobaad ka hor ka dillaacay magaalada Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya.

Waxaa sii kordhaya dadka uu soo ritay cudurka daacuun caloolaha oo ku dhowaad saddex toddobaad ka hor ka dillaacay magaalada Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya.

Xoghayaha joogtada ah ee waaxda caafimaadka ee ismaamulka gobolka Wajeer Cabdinuur Xaaji Maxamed, ayaa VOa-da u xaqiijiyey in illaa iyo hadda la xaqiijiyey in cudurka uu haleelay 263 qof, oo sagaal ka mid ah ah ay geeriyoodeen.

Dadkaas badankood waa ka bogsadeen cudurka, waxaana loo diray guryahooda, marka laga reebo 23 qof oo weli isbitaallada yaalla, sida uu sheegay Cabdinuur.

Cudurka ayaa sidoo kale ku faafay deegaannada ku hareereysan Wajeer, waxaana jira shan qof oo hor leh oo cudurka uu soo ritay oo maanta la geeyey isbitalka guud ee Wajeer.

Magaalada Wajeer ayaa waxa ay ka mid ah magaalooyinka ugu liita dhinaca nadaafadda ee dalka Kenya.

Cabdiraxmaan Furre ayaa wareystay Dr. Cabdnuur. Qeybta hoose ka dhageyso wareysiga.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Daacuunka Wajeer