Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Safaaraddii Britain ee Iiraan oo dib loo furay


Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain Philip Hammond oo ku sugan magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iiraan ayaa si rasmi ah shaaca ugu qaaday in dib loo furay safaaradda Britain ee dalka Iiraan.

Xoghaye Philip Hammond ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikh wanaagsan u leh labada dal, maadaama ay dib u soo nooleeyeen xiriirkooda diblomaasi.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain Philip Hammond ayaa mas’uulkii ugu sareeyey ee booqda dalka Iiraan ee ka socda dalka Britain tan iyo sanadkii 2003-dii

Safaaradda Britain ee dalka Iiraan ayaa xirneyd muddo afar sano ah.

XS
SM
MD
LG