Dad badan oo muhaajiriin iyo qaxooti ah ayaa ka gudbaya xeebaha dalka Libya, iyaga oo beegsanaya dalka Talyaaniga oo marka dambena ay Yurubta kale uga sii gudbayaan.
Qulqulka tahriibka ayaa socday muddo balse sida muuqata sanadkan waxaa aad u badan dadka ka tagaya bariga dhexe iyo Afrika ee doonaya inay nolol cusub ka abuurtaan Yurub.