Laba Qof iyo Walxaha Qarxa oo lagu Qabtay Boosaaso

Qaraxyo

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada amnigu ay qabteen laba qof iyo walxaha qarxa oo badan oo lagu soo qariyey baabuur waday khudaar.

Ciidamada ayaa la sheegay inay baabuurka ku joojiyeen kontorool laga soo galo magaalada, kadibna baaritaan ay sameeyeen ku heleen agab badan oo ah walxaha qarxa.

Ciidamada amniga ayaa qabtay laba qof oo lala xiriirinayo inay agabkaasi wateen, mas’uulna ka ahaayeen.

Wararka laga helayo dhinaca amniga ayaa sheegaya in ciidamadan ay haatan wadaan baaritaan ku saabsan dadka kale ee xiriirka la leh qalabkaasi.

Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan nooga soo dirtay Boosaaso.

Your browser doesn’t support HTML5

Qaraxyo lagu qabtay Boosaaso

Qaraxyo lagu qabtay Boosaaso