Galmudug: Puntland Colaad ayay Hurineysaa

Cabdikariim Guuleed waa madaxweynaha Galmudug (File Photo)

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo wareysi siiyey VOA-da ayaa ku eedeyey maamulka Puntland inay taageeraan kooxda Ahlu-Sunna, oo haysata deegaano ka mid ah Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa eedeyn kulul oo ku saabsan qal qal gelinta ammaanka iyo hurinta colaad u jeediyey maamulka Puntland oo xiisad ay ka dhex oogneyd dhowaanahan.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo wareysi siiyey VOA-da ayaa ku eedeyey maamulka Puntland inay taageeraan kooxda Ahlu-Sunna, oo haysata deegaano ka mid ah Galmudug.

Maxamed Xaashi, waxa uu sidoo kale sheegay in Puntland ay colaad ka hurineyso deegaano ka mid ah gobolka, oo maleeshiyo ay ku ururineyso.

Dhinaca kale, maamulka goboleedka Puntland, ayaa beeniyey jiritaanka inay faraglin ku hayaan maamulka Galmudug oo ay taageerayaan mucaaradka maamulkasi sida ururka Ahlu-Sunna Wal-Jameeca.

Wasiirka Warfaafinta ee Puntland, Maxmuud Xasan Soo-Cadde oo wareysi siiyey VOA-da ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha Galmudug, wuxuuna sheegay in Puntland aysan wax xiriir ah la lahayn Ahlu-Sunna.

Xiisadda ka dhex oogan Galmudug iyo Puntland ayaa salka ku haysa gobolka Mudug, oo labada dhinacba ay qeybo ka mid ah maamulaan.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga Maxamed Xaashi

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga Maxamuud Xasan

Waxaan idiin soo gudbineynaa wareysi aan la kala yeelanay labada dhinac.