Dagaal Ka Dhacay Duleedka Beledweyne

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda in dagaalka ay al-Shabaab uga dileen 14 maleeshiyo, dhankoodana ay ka dhaawacmeen 7 askari.

Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal uu duleedka magaalada Beledweyne ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab.

Maxamed Cumar Cabdulle, oo ah abaanduullaha guutada 10-aad ee ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa VOA u sheegay in ciidankooda ay saaka soo weerareen maleeshiyada Al-Shabaab, oo dagaalka uu sidaas ku billowday.

Waxa uu sheegay in dagaalka oo socday in ka badan laba saac ay al-Shabaab uga dileen 14 maleeshiyo, dhankoodana ay ka dhaawacmeen 7 askari.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijin kara sheegashadiisa oo la heli karo.

Maxamed Cumar Cabdulle waxa uu xaqiijiyey inaysan jirin wax khasaare ah oo gaaray dad rayid ah, maadaama goobta dagaalka uu ka dhacay ay ahayd meel cidlo ah.

Weriyaheena Jamaal Axmed Cusmaan ayaa khadka taleefonka ku wareystay abaanduule Maxamed Cumar Cabdulle.

Your browser doesn’t support HTML5

Dagaalka Hiiraan