Wararka ka imanaya deegaanka Ceel-Cadde ee Gobbolka Gedo, ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ee AMISOM ay saaka aroortii ka baxeen deegaankaasi, ayadoo aanan ilaa iyo hadda la garaneyn sababta.
Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa wax yar un kadib markii ay ciidamada Kenya ka baxeen deegaankaasi si nabad gelyo ah kula wareegay gacan ku heynta Ceel-Cadde.
Goobjoogayaal ku suggan Ceel-Cadde ayaa VOA u xaqiijiyay in maleeshiyada Al-Shabaab ay isku fidiyeen xaafadaha iyo xarumaha Ceel-Cadde, ayadoo ay horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab ay goob fagaare ah kula hadleen dadka fara ku tiriska ah ee ku haray.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo oo saldhig u ahaa ciidamada Kenya ee AMISOM, 15-kii bishaan ku qaaday weerar xooggan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray Ciidamada Kenya, balse Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya, ayaa 19-kii bishan dib ugu laabtay.