HARGEISA - Waxaa maanta Magaalada Hargeysa lagu soo gebo gebeeyey shir caalami ah oo lagaga hadlayay nabadda iyo dawladd dhiska Afrika, kaas oo uu soo qaban qaabiyey machadka lagu magacaabo BrenTurst Foundation oo xaruntiisu tahay dalka Koonfur Africa.
Shirkan ayaa maalintii shalay ka furmay magaalada Hargeisa, waxaana ka qayb galay aqoonyahanno, cilmi-baadhayaal iyo siyaasiyiin ka kala socda in ka badan 17 waddan, waxaana si weyn loogu faallaynayey amniga, dawlad-dhiska iyo dhaqaalaha Afrika.
Warkan waxaa magaalada Hargiesa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule
Your browser doesn’t support HTML5
Shirka Nabadda Afrika