Somalia oo laga helay CoronaVirus, iyo duulimaadyada oo la joojiyey

The ultrastructural morphology exhibited by the 2019 Novel Coronavirus

Dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qof Soomaali ah markii ugu horraysay laga helay cudurka CoronaVirus.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in kiiskan laga helay qof Soomaali ah oo ka yimid dibedda, qofkaasi oo lagu hayo meel gaar ah.

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in qofka laga jelay uu ka yimid mid ka mid ah waddamada laga helaya cudurka COVID-19.

Dawladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay diyaarisay cisbitaal haddii ay xaalado soo baxaan lagu daaweeyo.

Wasiirka caafimaadka ayaa ugu baaqday dadka Soomaalida inay is dejiyaan.

Wasiirka duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa isna sheegay inay dawladdu joojisya dhammana duulimaadyada caalamiga ah ee yimaada kana baxa dalka, laga bilaabo 18-ka bisha Maarso muddo 15 maalmood ah.

Amarkan ayaa saamaynaya ilaa 15 diyaaradood oo yimaada Soomaaliya oo ay ku jiraan kuwa qaadka iyo kuwa rakaabka.

Hoos ka dhageys codka Fowsiya

Your browser doesn’t support HTML5

Soomaaliya oo laga xaqiijiyey kiis Coronavirus ah