London: Soomaali lagu Xukumay Xabsi Daa'in

Maxkamad ku taala magaalada London ayaa xabsi daa’in ku riday Muxuyadiin Mire oo ah Soomaali 30 jir ah oo sanadkii hore weerar toori ah ku qaaday mid ka mid ah xarumaha tareenada laga raaco ee London.

Ninkan ayaa la sheegay in weerarkiisa ay saamayn ku leeyihiin kooxda ISIS ee dalalka Ciraq iyo Syria ka dagaalantay.

Muxiyadiin ayaa lagu eedeeyey inuu isku dayey inuu doonayey inuu dilo dadkii uu mindida ku weeraray.

Wariyaha VOA-da ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa warbixintan ka diyaariyay xukunka dhacay.

Your browser doesn’t support HTML5

Soomaali lagu xukumay London