Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shalay magacaabay guddi xaqiiqo raadin ah oo eegaya eedeymo loo jeediyey hay’adaha amniga Soomaaliya.
Guddigan ayaa ka kooban:
1 – Wasiirka Caddaaladda, Cabdullaahi Axmed Jaamac
2 – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen.
3 – Wasiirka Amniga, Cabdirisaaq Cumar Maxamed
4 – Taliyaha Ciidamada Asluubta, Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac
Guddigan ayaa eegi doona eedeymaha ka dhanka ah Hay’adaha amniga oo ah in caruurta kasoo goosata kooxda Al-Shabaab ay u adeegsadaan howlaha jaajuusnimada, sida ay qoreen waarbaahinta qaar.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay inay nabad-galyo iyo dhaqan celin siiso caruurta kasoo goosata Al-Shabaab, sidaa darteedna ay beenineyso eedeymahan.