Wasiirk Amniga Soomaaliya oo Hortagay Baarlamanka

Para kadet militer perempuan Rusia berbaris dalam latihan parade militer menjelang perayaan 'Hari Kemenangan' di Lapangan Merah, Moskow.

Wasiirka aminiga qaranka Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa su'aalo laga weydiinayey xaaladda amniga dalka Soomaaliya.

Wasiirka aminiga qaranka Soomaaliya ayaa maanta hortagay Baarlmaanka si uu uga jawaabo su'aalo ay wasaaradda u qabeen oo la xariirtay amniga dalka Soomaaliya.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xildhibaanada u sheegay in laga laabtay soo jeedimo hore oo ahaa in xildhibaanada lagu baaro garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo goobaha kale ee dowladeed.

Xildhibaanada ayaa durba ka biyo diiday wasiirka in uu kali ku ahaado baarlamaanka iyaga oo sheegay in ay u baahnaayeen taliyaasha amniga, sida booliiska iyo nabad-sugidda.

Guddoonka ayaa ugu dambayn sheegay in wasiirka ay fasaxyaan baarlamanakana uu galayo kulan deg deg ah.

Warbixintan waxaa Muqdisho nooga soo diray weriyaha VOA Cabdulqaadir Maxamuud Cabdulle.

Your browser doesn’t support HTML5

Wasiirk amniga oo hortagay baarlamanka