Ciidamada Dowladda oo Deegaano ka Qabsaday Al-Shabaab

Ciidamada Dowladda

Ciidamada dowladda Soomaalia ayaa maanta tuulooyin iyo deegaano ku yaala gobolaka Shabeelaha dhexe kala wareegay maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Deegaanada ay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Ceel-Baraf iyo Caadleey oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxaa sidoo kale jira deegaano kal eoo dhowr ah oo ka tirsan gobolka oo maleeshiyada Al-Shabaab laga saaray, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Soomaaliya.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Your browser doesn’t support HTML5

Ciidamada dowladda oo deegaano qabsaday