Ciidamadii Qabsaday Beerxaani Oo Ka Baxay

Ciidamada Dowladda (Sawir hore)

Ciidankan ayaa deegaannadaasi ka soo badbaadiyey illaa iyo 50 maxbuus oo u xiraan maleeshiyada Al-Shabaab oo qaarkood ku xukunnaa dil.

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamadii maanta la wareegay gacan ku haynta deegaannada Beerxaani, Quddus, Cabdi-Dhoore iyo deegaanno kale ay dib uga soo baxeen, kuwaasoo ku laabtay magaalada Kismaayo.

Ciidankan ayaa deegaannadaasi ka soo badbaadiyey illaa iyo 50 maxbuus oo u xiraan maleeshiyada Al-Shabaab oo qaarkood ku xukunnaa dil.

Ciidankan ayaa sidoo kale la sheegay in uu horay u soo kaxeeyeen gaadiid gaaraya illaa 100, oo isugu jira noocyada xammuulka iyo raaxada oo deegaannadaasiay Al-Shabaab ku haysatey, iyadoo qaar ka mid ah gaadiidkaasi lagu wareejiyey dad rayid ah oo horay ay Al-Shabaab uga qaadatay.

Ciidamada deegaannadaasi maanta wareegay kaddib markii aybannaanka ka duqeeyeen, ka hor inta aysan gudaha u galin, iyadoo dagaal xooggan uu in muddo gudaha deegaannadaasi ku dhexmaray ciidanka iyo maleeshiyada Alshabaab ee halkaasi laga saaray.

Dagaalkii maanta ka dhacay deegaannada Beerxaani, Quddus, Cabdi-Dhoore iyo deegaanno kale ayaa la sheegay in uuka dhashay khaasare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walow aan illaa hadda si rasmi ah loo oggeyn inta uu le’egyahay.