Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heshiis Laga Gaaray Maamulka Sh/Dhexe Iyo Hiiraan Loo Dhisayo


Xasan Sheekh
Xasan Sheekh

Heshiiskan ayaa dhex maray odayaasha qabaa'ilka gobolka Hiiraan iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagay Beledweyne.

Waxaa heshiis is-afgarad ah laga gaadhay wada-hadallo maalmihii dhowaa u socday odayaasha qabaa’ilka gobolka Hiiraan iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Beledweyne.

Heshiiskan ayaa waxaa la iskula raacay in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ay noqoto madasha shirka lagu dhisayo maamulka Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Waxaa sidoo kale la isku raacay in magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ay noqoto caasimadda maamulka cusub ee loo dhisi doono labada gobol.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdiraxmaan Odowaa oo saxaafadda kula hadlay Beledweyne ayaa sheegay in madaxweynaha labada gobol uu noqonayo mid loo tartamo oo aan heshiiska ku jirin.

Warbixintan waxaa Beledweyne nooga soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.

Heshiis laga gaaray maamulka Hiiraan & Sh/dhexe
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:22 0:00

XS
SM
MD
LG