Sheybaarkii Dhexe oo DIb Loo Furay

Dowladda Soomaaliya ayaa 25 sano kadib dib u howl gelisay sheybaarkii dhexe ee Soomaaliya, kaasi oo sida ay wasaaradda caafimaadka sheegtay looga kaaftoomi doono baaritaanno badan oo dibadda lala aadi jiray.

Dib u howl-gelinta sheybaarka qaranka, ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ka caawiyey hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Cabdiqani Sheekh Cumar.

Xarunta wasaaradda ayaa waxaa sidoo kale ay WHO keentay qalab casri, oo saamixi doona in lagu fuliyo baaritaanno ay markii horey adkeyd in lagu fuliyo gudaha dalka Soomaaliya.

Shaqaale caafimaad oo Soomaali ah iyo khuburo ka socda WHO, ayaa isla maanta billaabay inay fuliyaan baaritaanno sheybaar, oo xarunta sheybaarka ka dhex dhacaya.

Munaasabad arrintaasi loo qabtay waxaa warbixintan nooga soo diray weriyahayaga Jacfar Kuukaay.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixin: Sheybaarka Dhexe