Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg) ayaa gaaray magaalada Sanca halkaasi oo uu kaga qeybgalayo shirka loogu macdaray Kulanka Sanca.
Kulanka Sanca waxaa ku mideysan dalalka Yemen, Somalia, Ethiopia iyo Djibouti.
Wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalka Kulanka Sanca ayaa yeelan doona shir gogol xaar u ah kulan ay magaalada
Sanca isugu iman doonaan madaxda dalalka Kulanka Sanca.
Yuusuf Dheeg oo ka warbixiyay kulankan Sanca waxa uu sheegay in looga hadli doono arrimo badan oo ay ugu horreyso xaaladda dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay inuu rajeynayo in dowladaha Kulanka Sanca ay isla gaari doonaan arrimo muhiim u noqon doona nabadda iyo deganaansha dalka Soomaaliya.