Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yurub oo ka Hadleysa Xaaladda Muhaajiriinta


Muhaajiriin jooga xero ku taalla magaalada Nickelsdorf, Austria, Aug. 29, 2015.
Muhaajiriin jooga xero ku taalla magaalada Nickelsdorf, Austria, Aug. 29, 2015.

Wasiirada kala ah Theresa May oo ka socota Britain, Bernard Cazeneuve oo Fansiiska ah, iyo Thomas de Maiziere oo Jarmalka ah ayaa Axaddii soo saaray hadal ay u dhan yihiin.

Wasiirrada arrimaha gudaha ee Britain, Fransiiska iyo Jarmalka ayaa ku baaqay tallaabo deg deg ah oo wax lagaga qabanayo caqabadaha haysta kumanaanka muhaajiriinta ah ee soo galaya Yurub, kuwaasoo kala qaybiyay waddamada Yurub, iyagoo ka doodaya waxa laga yeelayo.

Wasiirada kala ah Theresa May oo ka socota Britain, Bernard Cazeneuve oo Fansiiska ah, iyo Thomas de Maiziere oo Jarmalka ah ayaa Axaddii soo saaray hadal ay u dhan yihiin oo ay ku weydiisanayaan madaxweynaha midowga Yurub Luxembourg inuu muddo laba toddobaad gudahood ah ku qabto kulan.

Luxembourg ayaa sheegay inuu agaasimi doono wadahadallada ay ku lugta lee yihiin wasirrada arrimaha gudaha iyo cadaaladda ee waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub bisha September 14-keeda inay isugu yimaadaan magaalada Brussels si loo ballaariyo jawaabta ay yurub ka bixineyso arrinta qaxootiga.

Iyadoo xaaladda lagu cabiray inay tahay mid ka duwan kuwii hore, ayay wasiirradu ku baaqeen in si wanaagsan loola macaamiko muhaajiriinta ku sugan Talyaaniga iyo Griigga, kuwaasoo ay hay’adda socdaalka caalamaiga ah ku sheegeyso in ay yihiin baraha ugu wayn ee ay ku soo dageen in ka badan 322,000 oo muhaajiriin ah oo ka soo tallaabay badda Mediterranean-ka sanadkan.

XS
SM
MD
LG