Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan oo la Kulmay Madaxda Imaaraadka


Somali President
Somali President

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Imaaraadka ayaa shalay kulan magaalada Abu Dhabi kula yeeshay dhaxal sugaha dowladda isutagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashigooda dhinacaya maalgashiga, dib u dhiska Somalia , kaabeyasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Madaxweyne Xasan ayaa kulankaasi kaga waramey xaaladda dalka Soomaaliya, iyo sida uu ugu qanacsan yahay taageerada ay xukuumadda iyo shacabka Imaaraadka Carabta la garab taagan yihiin dalka Soomaaliya.

Dhaxal sugaha dowladda Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan, ayaa sheegay in dalkiisa uu waajib ka saaran yahay inuu taageero hiil iyo hooba u fidiyo Soomaaliya oo uu sheegay inay tahay waddan ay walaalo yihiin oo u baahan in dhinac kasta laga taageero, dagaaladii sokeeye ee dhacay kadib.

Afhayeenka Madaxtooyada Somalia Dauud Aweys oo ka mid ah wafdiga dowladda Somalia ee Imaaraadka ku suggan ayaan khadka taleefanka uga wareysanay kulanka Madaxweynaha Somalia iyo dhaxal sugaha Imaraadka Carabta.

Socdaalka Madaxweynaha ee UAE
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:14 0:00

XS
SM
MD
LG