Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhalinyarada Maanta & Dagaallada Soomaaliya - Doodda UK


Dhalinyarada Maanta & Dagaallada Soomaaliya - Doodda UK
Dhalinyarada Maanta & Dagaallada Soomaaliya - Doodda UK

Dawladaha Maraykanka iyo Biritan ayaa xaqiijiyey in dhalinyaro badan oo haysta jinsiyadda dalalkooda ay u baqooleen Soomaaliya si ay ugu biiraan dagaallada sokeeye.

Dawladaha Maraykanka iyo Biritan ayaa xaqiijiyey in dhalinyaro badan oo haysta jinsiyadda dalalkooda ay u baqooleen Soomaaliya si ay ugu biiraan dagaallada sokeeye. Maraykanka waxa la sheegay inay ka tageen ilaa labaatameeyo dhalinyaro ah kuwaasi oo ugu yaraan laba ka mid ah ay is-qarxiyeen, ilaa shan kalena ay siyaabo kale ugu dhinteen dagaallada. Dhinaca Biritan waxay dawladdu aamisan tahay inay sidoo kale Soomaaliya ku laabateen 70-80 dhalinyrao ah.

Inta aysan soo bixin wararka la xiriira noqoshada dhalinyaradan waxaa Maraykanka iyo Biritan ka jiray walaac ah in dhalinyarada Soomaalida ay ka hareen waxbarashadii kadibna ay ku biireen kooxo dibjiriin ah ama ciyaala-suuq ah.

Haddaba maxaa ugu wacan in dhalinyaro badan oo qurbaha ku nool ay noqdaan dibjiriin? Maxaase soo jiita kuwa ku laabanaya Soomaaliya? Waa mowduuca uu ku saabsan yahay qaybta 5-aad ee taxanaha Dhalinyarada Maanta iyo Dagaallada Soomaaliya oo gebi ahaanba ay daadihinayaan kana qyabgalaayaan xubno ka tirsan dhalinyarada Soomaalida ah ee ku nool magaalada London, waxayna kala yihiin: Aadan Cabdicasiis Mataan iyo Cabdifataax Faysal Xuseen oo labaduba ka mid ah dhalinyarada ka shaqeeya adeegyada dadka da’da yar iyo Raxmo Xasan Axmed oo ka mid ah dhalinyarada jaamacadaha. Balse ugu horrayn waxaa barnaamijka daadihinaya Maxamed Saciid Axmed “As-Saxaf” oo ah nin dhalinyar ah oo culuunta saxaafadda barta.

Dhinaca kore ee midigta ka dhagayso barnaamijkan

La Xiriira

XS
SM
MD
LG