Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xubno Shabaab ah 'oo lagu dilay howgal ka dhacay' Galgaduud


Al-Shabab Al-Shabaab
Al-Shabab Al-Shabaab

Ugu yaraan shan ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu dilay hawlgal ka dhacay gobolka Galguduud saaka, sida ay tebisay warbaahinta dawladda Soomaaliya.

Hawlgalkan ayey ka wada qayb qaateen ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya iyo taliska milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika loona yaqaan AFRICOM, sida ay sheegtay warbaahinta dawladdu.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay meel 35KM Koonfur bari ka xigta degaanka Galcad ee gobolka Galguduud. Taliska AFRICOM ayaan weli ka hadlin weerarkan.

Maalmihii lasoo dhaafayna afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ugu baaqay dadka ku sugan deegaannada hawlgalladu ka dhacayaan inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin al-Shabaab.

Mas’uulyiinta dawladda ayaa sheegay in hawlgalka milatari uu ku waajahan yahay qabashada labada degmo ee Ceelbuur iyo Galhareeri.
Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda oo codsaday inaan magacooda la sheegin ayaa magacaabay ilaa toddoba tuulo oo ay doonayaan inay dadku ka fogaadaan goobaha ay Al-Shabaab ku sugan yihiin.

Toddbadaas tuullo ayaa kala ah Xiindheere, Garab la’, Ceel qooxle, Wabxo, Jacar, Dabagalo, iyo wliba degaano kale oo ku yaalla miyiga.

Howlgalka maanta ayaa imanaya ayada oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sugan yahay magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, si uu u dhiiri-geliyo duulaan dowladdu sheegtay inay ku qaadeyso Al-Shabaab.

Duulaankan ayey dowladdu sheegtay in lagu sifeynayo Al-Shabaab kahor inta aan la billaabin wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda.

Madal

XS
SM
MD
LG