Kismaayo —
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo shalay lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo maraysay inta u dhaaysa Doolow iyo Luuq.
Mas’uuliyiinta gobolka iyo ilo wareedyo kala duwan oo magacooda codsaday inaan la shaacin sababo dhinaca amniga ah ayaa VOA u sheegay in tirada dhimashada ay haatan gaartay 11, halka 3 kalena lagu dhaawacay.
Saddexda dhaawaca ah waxaa ka mid ah abaanduulaha guutada 10-aad ee qaybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Rashiid Bohol.
Mas’uuliyiinta gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidanka la weeraray ay samaynayeen hawlgal, isla markaana ay ka saareen al-Shabaab degaan u dhexeeya Doolow iyo Luuq.
Ururka al-Shababa ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa.
Madal